Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Oo Ka Hadlay Dastuurka iyo Aqoonsiga Soomaaliland.

0
521

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Cali maxamed nuux timajilic oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo ka hadlayay munaasabada 1luulyo ayaa asigoo qudbeynayo waxa uu hambalyo udiray dhamaan shacabka soomaaliyeed meelwalba oo ay ku sugan yihiin asigoo ugu hambalyeeyay 52 sano guurada ka soo wareegatay midowgii umada soomaaliyeed iyo calin sarkii soomaaliya eek u asteysan 1luulyo.

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed cali maxamed nuux timajilic oo ka hadlay xaalado dhowr ah ayaa waxa uu soo hadal qaaday arrimo la xiriira marxaladaha hada uu martayo dalka soomaaliyeed.

Timajilic ayaa waxa uu sheegay in dastuurka la wado meel marintiisa uu yahay mid aanay waxba ka soo ifbaxeyn asigoo sheegay in wax muhiimad ah aanay dadka iyo dalka soomaaliyeed aanay ugu jirin dastuur beenadka ay wadan madaxda TFG da.

Asigoo ka hadlayay qudbad uu ka jeedinayay xafiiska ay magaalada muqdisho uu ku leeyahay xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed ayaa waxa uu ka hadlay gudoomiye ku xigeenka xisbiga aqoonsiga soomaaliland waxa uuna sheegay in qaramada midoobay aanay ogaleen aqoonsi aay siiso dowlada jamhuuriyada soomaaliland sibabo uu ku sheegay in aay qaramada midoobay diidan tahay saddex dalal oo looga hadlo luuqada afka soomaaliga ay sii so aqoonsi waxa uu intaa raaciyay in dalalka soomaaliya iyo jibuuti ay siisay aqoonsiga balse soomaaliland ay udiidan tahay iyadoo dana gaar ah ka leh sida uu gudoomiyaha sheegay.

Xafiiska warqabadka warsom.com