WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
BAAQA JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOMALIYA.
Qodobka 1aad
Jamhuuriyada Federaalka Somaliya
1. Soomaaliya waa Jamhuuriyad Federaal ah, leh gobannimo, dimoqraaddi ah, oo ku dhisan matalaadda dadweynaha loo dhan yahay oo ku salaysan nidaamka axsaabta badan iyo cadaalad bulshadeed.
2. Allahu Subxaanahu wa Tacaalaa ka sokow (swt), awoodda oo dhan waxa leh Shacbiga, wuxuuna ugu isticmaalayaa si toos ah iyo isagoo u adeegsanaya hay’adihiisa uu u xilsaartay, si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda. Waxaa reeban in qof ama qayb ka mid ah bulshada sheegato gobannimada dawladda ama u adeegsadaan si u gaar ah.
3. Gobannimada iyo midnimada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waa laguma-xadgudbaan.
Qodobka 2aad
Dawladda iyo Diinta
1. Islaamku waa Diinta Dawladda.
2. Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.
3. Lama soo saari karo sharci aan waafaqsanayn Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiidadeeda.
Qodobka 3aad
Mabaadi’da Asaasiga
1. Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada Nabigeenna Muxammed (NNK), wuxuuna ilaalinayaa maqaasidda (ujeeddooyinka) shareecada iyo caddaaladda bulshada.
2. Soomaaliya waa dal Islaam ah, kana mid ah umadaha Carabta iyo Afrikaanka.
3. Mabaadi’da asaasiga ah ee Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waxay ku dhisan tahay mabaadi’da asaasiga ah ee awood qeybsiga Nidaamka Federaalka.
4. Dastuurka Soomaaliya wuxuu dhiirrigelinayaa xuquuqda aadanaha, talinta sharciga, shuruudaha guud ee xeerarka caalamiga ah, caddaaladda, xukuumad loo dhan yahay oo ku dhisan wadatashi, kala-soocidda awoodaha sharcidejinta, fulinta iyo garsoor madaxbanaan, iyagoo leh hannaan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan ka jawaabaya danaha dadweynaha.
5. Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee qaranka, si wax ku ool ah, gaar ahaan jagooyinka laysu doorto iyo kuwa laysu magacaabo ee saddexda laamood ee dawladda iyo Guddiyada Madaxbannaan ee Qaranka.
Qodobka 4aad
Sarraynta Dastuurka
1. Shareecada ka sokow, Dastuurka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayeyna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha dawladda oo dhan.
2. Sharci kasta ama tallaabo maamul oo ka soo horjeedda Dastuurka, maxkamadda Dastuuriga ah ayaa awood u leh burrinta sharcigaa, si waafaqsan dastuurkan.
Qodobka 5aad
Afafka Rasmiga ah
Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waa Af-soomaaliga (Maay iyo Maxaa tiri), af Carabigana waa luqadda labaad.
Qodobka 6aad
Calanka iyo Astaanta Qaranka
1. Calanka Jamhururiyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta A ee Jadwalka koowaad, waa laydi buluug furan ah oo ay dhexda kaga taal xiddig cad oo shangees ah, madaxyo simanna leh.
2. Astaan Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta B ee Jadwalka koowaad, waxay ka kooban tahay gaashaan buluug ah oo leh xiddaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shangees ah oo dheeh qalin ah leh. Gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rukumo Carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabi ah oo labada geesba ku yaalliin ay kala qaaran yihiin. Hareeraha waxaa ka haya laba shabeel oo isu tusmaysan, kuna kala taagan labo waran oo isku weydaarsan caaradda hoose ee gashaanka, ayna weheliyaan laba caleen-cawbaar, diillin cadna ay ku qoofalan tahay.
3. Somalia Hees astaan u ah qaranka wey leedahay waana “ Qolobaa Calankeed”.
4. Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka Somaliya waxey yeelan donaan calankooda iyo astaantooda u gaarka ah si waafaqsan nidaamka federaalka.
Qodobka 7aad
Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya
1. Gobannimada Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuruyadda Somaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.
2. Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.
3. Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.
4. Xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960 ee Somaliya.
5. Jihooyinka xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya:
(a) Waqooyi: Gacanka Cadmeed
(b) Waqooyi Galbeed: Jabuuti
(c) Galbeed: Ethiopia
(d) Koonfur Galbeed: Kenya
(e) Bari: Badweynta Hindiya
Qodobka 8aad
Shacbiga iyo Jinsiyadda
1. Shacbiga Soomaaliyeed waa mid, lamana kala qaybin karo, wuxuuna ka kooban yahay dhammaan muwaadiniinta.
2. Jinsiyadda Soomaaliyeed waa mid qur ah, sharci gaar ah oo ay soo saaraan Golaha shacabka ee Dowlada Federaalka Soomaaliyeed ayaana xaddidaya sida lagu helayo, lagu laalayo ama lagu waayayo.
3. Qof leh jinsiyadda Soomaaliyeed lagama qaadi karo jinsiyadda Soomaaliyeed, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale.
4. Diidmada, laalista iyo ka qaadista jinsiyadda laguma xiri karo asbaabo siyaasadeed.
Qodobka 9aad
Magaalamadaxda Qaranka
1. Maqaamka magaalo madaxda Federaalka Soomaaliya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib u eegida dastuurka, waxaana sharci gaar ah kasoo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaliya.
QAYBTA LABAAD
XUQUUQDA ASAASIGA AH IYO WAAJIBAADKA MUWAADDINKA
MADAXA KOOWAAD
MABAADII’DA GUUD EE XUQUUQDA AADANAHA
Qodobka 10aad
Karaamada Aadanaha
1. Karaamada aadanuhu waa deeq Ilaahey Subxaanahu wa tacaalaa ku mannaystay qof kasta oo Banii’aadan ah, xuquuqda aadanahuna deeqdaas ayey ka dhalataa.
2. Karaamada Aadanaha waa laguma xadgudbaan, dhowristeeduna waa waajib saran dadka oo dhan.
3. Awoodda Dawladda waa in aan marnaba loo isticmaalin meel-uga-dhicid karaamada aadanaha.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya