Faahfaahino ka soo ifbaxaya Qarax lala Eegtay Gaari Uu Leeyahay Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiiye.

0
469


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Warar kala duwan ayaa ka soo ifbaxaya qarax galin kii danbe ee shalay lala eegtay gaari uu leeyahay gudoomiyaha golaha dhaqanka beelaha hawiiye xaaji maxamed xasan xaad.

Gaarigani oo noociisu uu yahay runed ayaa waxa saarna xiliga weerarka lagu qaadayay will uu dhalay xaaji maxamed xasan xaad iyo darawalkii kaxeynayay gaariga weerarka qaraxa lala eegtay.

Gaariga ayaa marayay xaafada xamar bille ee degmada wardhiigley gobolka banaadir.

Xaaji maxamed xasan xaad oo wax laga weydiyay xaalada weerarka lagu qaaday gaarigiisa iyo qasaaraa ka dhashay ayaa waxa uu sheegay in hada baaritaano ay socdaan oo ay ciidanka dowlada soomaaliya kuguda jiraan guud ahaan xaaladaha dhacay.

Maxamed xasan xaad waxa uu sheegay waxa dhacay in ay la wadaagan shacabka soomaaliyeed ee sida aan qiymaha aanan laheyn loogu dilayo dalka.

Sikastaba ha ahaatee tan iyo markii qaraxa gacanta laga tuuro maalintii shalay lagu weeraray gaariga gudoomiye maxamed xasan xaad waxaa xaafada xamarbille soo buux dhaafiyay ciidanka DKMG soomaliya oo adkeynayay xaalada amaan iyo sidii ay ku ogaan lahaayen kooxahii ka danbeyay qaraxa .
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.