Dibax Lagu Taageeraya Wadahadalkii Dhexmaray Shariif Sh. Axmed Iyo Siilaanyo oo Maanta Muqdisho Ka Qabsoomay.

0
505

 

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

 

Isku-soo-baxaan ayaa waxaa ka qaygbalay mas’uuliyiin kala duwan oo DKMG ah ka tirsan kuwaasoo ay ka mid yihiin guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekunaa Maye, wasiirro, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo marti-sharaf kale.

“Waan soo dhaweynaynaa kulankii dhexmaray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somalilan, waayo waa astaan wanaagsan…waa astaantii midnimada, waa astaantii dib-u-soo noolasha, waa astaantii horumarka,” ayuu yiri duqa Muqdisho, Tarsan oo la hadlay dadkii dibadbaxa kasoo qaybgalay.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu ku eedeeyay, Sheekh Mukhtaar Roobow, Sheekh Fu’aad Shangole iyo Sheekh Cali Dheere oo tirsan saraakiisha sare ee Al-shabaab inay dhibaatooyin ku hayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada.

“Cali Dheere, Shangole iyo Roobow, haddii aad mooddeen inaad dadkan diinta ku hoggaaminaysaa waa qaldan tihiin, waxaana dadka ku hoggaaminaysaan dhibaato, waayo wiilal yar-yar ayaad u soo dhiibaysaa bambooyin si ay shacabka ugu laayaan waana ka hortagaynaa taas,” ayuu Tarsan mar kale yiri.

Sidoo kale, waxaa mudaaharaadka ka hadlay wasiir u dowlaha wasaaradda difaaca DKMG ah ee Soomaaliya, Maxamuud Macallin Nuur, isagoo sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo ku weyn ummadda Soomaaliyeed.

“Maanta waa maalin ku weyn ummadda Soomaaliyeed, waana maalin taariikhi ah. Heshiiskii ay gaareen madaxda Soomaalidu wuxuu ahaa is-afgarad lagu dhameynayay khilaafaadka iyo waxyaabaha la kala tabanayo ee u dhexeeya ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiir u dowlaha oo sheegay inuusan shaki ku jirin in wadahadalladan ay meesha ka saarayaan shakiyadii jiray.

Ugu dambeyn, dadweynihii ka qaybgalay mudaaharaadka oo iyaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan wadahadallada u furtay Soomaaliya iyo Somaliland, iyagoo muujiyay in heshiis kama dambeys ah lagu gaari karo.

 

Xafiiska warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya