SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM
Xukuumada Somaliland ee madaxda ka yahay madaxweyne Axmed
maxamed Maxauud Siilaanyo, ayaa si rasmi ah loogu soo casuumay shirka
arrimaha Soomaaliya ee Stanbul, iyadoo Somaliland lagu marti qaaday meeqaam
la mid ah kii shirkii London.
Sida Jamhuuriya ku heshay xog dhaba oo kasoo baxday wasaarada arrimaha
dibadda ee Turkiga, waxa qoraalkaasi lagu xusay in inkastoo aanay dowlada
Turkigu aqoonsanayn, haddana lagu qaabili doono weftiga Somaliland uga qaybgali
doona protocol ahaan mid la mid ah kii shirkii London ee bishii February.
Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalkaasi in xukuumada Somaliland arrimaha
uu kale hadli doono wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Prof Dr Axmed
Davutoglu oo lagu wado inuu kullan yeesho xukuumada Somaliland dhawaan.
Majiro wali xog dhaba oo kasoo baxday dhinaca xukuumada , hase yeeshee waxa
lagu la filayaa in shirkaasi ay Somailand uga qayb gali doonaan wasiiro sar
sare oo ka tirsan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, hase yeeshee madaxweyne
Siilaanyo aanu tagi doonin. Waxaanay xukuumada Turkiga si gooni ah uga ada hadli
doonaan sidii Somaliland qayb uga heli lahayd kaalamada Turkigu ugu
tallogaleen Somaliland iyo Soomaaliya.”
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Hargeysa.Somaliland