XISBIGA MIDNIMADA JAMHUURIGA SOOMAALIYEED OO SHEEGEY IN DAWLADA TURKIGU LUMINEYSO TAAGEERADII SHACABKA SOOMAALIYED.

0
503


SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Iyadoo la wada ogyahey in soomaaliya ay sanadahan danbe noqotey meelay daneeyaan dawlado farabadan oo danahooda ka arkey kuwaasoo markasta abuura mashaariic iyo shirar aan soomaalida wax faa’iido ah ulaheyn balse cida wada iyo dawlada markaa dilaalka ahi ay ka helaankharash iyo dhaqaale badan.

 
Hadaba iyadoo ay isoo tarayaan dawladaha danaha gaarka ah eesoomaaliya ka lihi ayaa dadka soomaaliyeed u arkayeen in dawladaturkigu aysan lamid aheyn dawladaha ay u aqoonsadeen in ay yihiindaneystayaal fursad heley oo aan wax badan oo faa’iido ah laga sugeynsidaas darteed ayaa waxa hada soo baxaya in dawladda turkigu iscadeyso tiraahdana doorkeyga ayaan ciyaarayaa waana in aan ODEYDHAQAMEDYADA U QAADAA DALKEYGA si aan aniguna beesha caalamka ugahello qarashki iiga baxey gurmadki abaaraha soomaaliya.

 
Si kastaba ha ahaatee waxaa arinkan ka horyimid kuna sheegey mid la mid ah shirarki lagu hungöobey shirka turkiga XISBIGA MIDNIMADA JAMHUURIGASOOMAALIYED,kusimaha gud.xisbiga mjs ahna gud/kuxigenka xmjs calimaxamed nuux oo shirka turkiga ka hadlayey ayaa yiri “turkigu kalsoonidii shacabka soomaaliyeed ayuu lumin rabaa sababtoo ah wuxuu hada qeyb ka noqdey kuwa danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ka leh soomaaliya tuhun weyn ayaanan ka qabnaa turkigu markii uu odayaasha  dhaqanka u qaadey dalkiisa isla markaasna uu saxaafada somaaliya u diidey in ay soo tabiyaan shirarka ka dhici doona turkiga ee arimaha soomaaliya.

 
Xmjs ayaa qaba in aanu shirkaasi waxba ka bedelneyn kuwii hore u dhacey oo uu ugu danbeeyey kii hadda kusoo dhamaadey dalka ethoipia magaalada  disababa,lamana oga ajendaha iyo waxa kasoo bixidoona shirkan loo balansan yahey in uu ka dhaco dalkaasi TURKI magaalada istanbuul.

 
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.