Madaxweyne Shariif Oo Xalay Gaaray Dalka South Africa.

0
492

SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka degay wadanka K/Afrika, halkaasi oo Madaxweynaha ay ku soo dhoweeyeen madax ka tirsan Dowladda K/Afrika iyo madax kale oo ka socota wadamada Afrika, waxaana wafdiga Madaxweyne Shariif loo galbiyay goobta ay ka dhaceysay munaasabad casho sharaf ahayd.

Madaxda dalalka Afrika ee Dowladda K/Afrika casho sharafta u sameysay oo Madaxweynaha Soomaaliya ka mid ahaa ayaa halkaasi kulamo gooni gooni ah ku qaatay, waxayna ka wadahadleen xaaladaha wadamada Afrika iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen xiriirka dalalka Afrika.

Madaxweyne K/Xigeenka Dowladda K/Afrika oo isagu soo dhoweynayay madaxda Afrika ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalalka Afrika ay u midoobaan cadowgooda, isla markaana iska kaashadaan dhinacyada siyaasadda, horumarinta, dhaqaalaha iyo ammaanka.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Midowga Afrika Gian Bing oo ka mid ahaa madaxda Afrika ayaa sheegay in kulamada noocaan ahi ay wax ka tarayaan xiriirka u dhaxeeya wadamada Afrika oo sii xoogeysta, wuxuuna sheegay in wadamada Afrika iminka ay wax badan ka midoobeen isla markaana uu soo hagaagayo xiriirkooda.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Soomaaliya.