SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM
Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Jerry Rawlings ayaa ka sheegay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya in Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu ka cagajiidayo meelmarinta qorshaha geedi socodka ee Road Map-ka iyo in laga gudbo ku meelgaarnimada ee ay dedaalka badan siineyso beesha caalamka.
Mr. Jerry Rawlings waxa uu sheegay in Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed uu si weyn uga cagajiidayo sida uu yiri inuu fuliyo heshiisyadii lagu kala saxiixday magaalooyinka Garoowe iyo London, wuxuuna yiri yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Waxaa haboon in la meelmariyo waxyaabihii lagu heshiisyay ee meel la wada dhigtay si looga baxo ku meelgaarnimada, arrinkaasina sida ay ila tahay waxaa ka caga jiidaya oo haatan diidan Madaxweynaha dowladda KMG oo aan si rasmi ah u sheegin inuu diidanyahay fulinta waxyaabihii lagu heshiiyay”.
Hadalka ka soo yeeray Ergayha Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee Jerry Rawlings ayaa waxay ku soo aadayaan iyadoo dhawaan uu khilaaf xoogan oo haatan lagu soo xalliyey dalka Itoobiya uu soo kala dhexgalay saxiixayaasha Road Map-ka ka dib markii uu Madaxweynaha maamulka Puntland sheegay inuu ka soo horjeedo qodo badan oo ku qoran dastuurka, loona baahanyahay in wax badan laga bedelo.
Ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijineysa warkan, marka laga reebo Webiste lagu magacaabo Puntlander oo qoray warkan, kaas oo sheegay in ergayga Midowga Afrika uu ku canaantay Madaxweynaha dowladda KMG fulin la’aanta heshiisyadii uu wax ka saxiixay, isla markaasna uu ka caga-jiidayo fulinta qorshaha Road Map-ka.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Soomaaliya.