Dhagabadan”Ciidamada Xooga Dalka Waxaan Uga Digaayaa In Ay Dhibaateeyaan Shacabka Ka Soo Barakacaya deegaanada Dhawaan Lagu Dagaalamay”

0
509

SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Taliska Ciidamada xooga Dowlada KMG ayaa uga digay Waaxaha Askarta dowladda inay ka Foojignaadaan xadgudubyada ay kula kacayaan shacabka iyo hantidoodaba, inta ay ku guda jiraan howl-laha lagu sugayo amaanka ey dhawaan gacan ku heynteeda la wareegeen Ciidamda Dowlada.

“Uma Dulqaadan Doono In La Dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed Ee Muddo 21 Sano La Taalaa Dhacaya Cudurada Iyo Dagaalada Sukeeye,Askarigii Lagu Soo Qabtana Isagoo Dhibaateynaya Shacabka Waxaan Ka Qaadeenaa Taalo Sharciga Waa Faqsan”Ayuu Yiri Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-Badan)

Sidoo Kale Abuundiiliyaha Ciidamda Waxaa uu sheegay in shacabka ay xaq u leeyihiin inay ku Naaloodaan Nabad kuna seexdaan, Taasna Wexeey Ku Helikaraan in ay difaacaan Ciidamada qalabka sida,

Sidoo kale Abaanduulaha ayaa Ciidamda Ku Yiri Halka Aad ka difaacileheedeen Shacabka Aad dartooda u Qaadeen Hubka Una Joogtaa Furunta Miyaad Hadana u Geysaneysaa Shacabkii Dhac iyo Dil Waa Wax Laga Yiq Yiq sado”Ayuu Yiri Mr Dhaga Badan

Hadalka Ka Yeeray Abaanduuliyaha ayaa Waxa uu Imaanayaa xilli dad badan ay Baqdin ka Qabaan in La Dhibaateeyo hantidooda oo taal Ceelasha Biyaha iyo Naftooda iney ciidamada TFG-da U Geystaan Dhac.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.