Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Xisbiga Midnimada Jamhuuriga soomaaliyed ayaa uga digay shacabka Somaaliyed iney ku dhaqmaan isla markaana ogolaadaan qabyo qoraalka dastuurka cusub ee loo sameynayo dalka kaasoo ay wadaan dowlada KMG Somalia iyo heyadaha Qaramada Midoobay qaarkood.
Ku-simaha gudoomiyaha ahna gudoomiye ku-xigeenka xisbiga midnimada Jamhuuriga Somaaliyeed Cali Maxamed Nuux (Timajilic) ayaa sheegay in dastuurka cusub ay ka buuxaan qodobo badan oo wax u dhimaya diinta, dhaqanka iyo qaranimada dhuleed ee dalka Somalia laga leeyahay dano gaar ah.
“Ciladaha muhiimka ah ee qabyo qoraalka dastuurka ka muuqda waxaa ka mid ah ma qeexayo bedka iyo cabirka badeed iyo midka dhuleed ee dalka Somalia uu ku fadhiyo iyo xuduudaha jihooyinka dalalka ka xiga waana arin aad loola fajaco” ayuu intaa ku daray Timajilic oo la hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho qaarkood.
“Qodobada kale waxaa ka mid ah in qof soomaali ah oo aan heysan diinta islaamka uu isku soo taagi karo xilka madaxweynaha Somalia ama xildhibaan baarlaman, waxaaana qodobadaasi shuruudaha laga rabo ka mid ahaa in qofka xilka qabanaya uu muslim yahay hase ahaatee waxaa lagu bedelay inuu Islaamka xushmad u hayo” ayuu intaa ku daray Timajilic.
Ku-simaha gudoomiyaha ahna gudoomiye ku-xigeenka xisbiga midnimada Jamhuuriga Somaaliyeed Cali Maxamed Nuux (Timajilic) ayaa sheegay iney jiraan qodobo kale oo badan oo wax dan ah aysan ugu jirin umada Soomaaliyeed kuna qoran dastuurka, isagoo xusay iney idaacadaha Muqdisho qaarkood ka bilaabeen olole wacyi gelin ah oo ay shacabka uga dhaadhicinayaan iney iska diidaan qabyo qoraalka dastuurka hadda la wado
Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)




