Qaar Ka Tirsan Dagaalyahano Ka Soo Jeeda Dalka Kenya Oo

0
458

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Wadaadka ugu saraysa koox diimeedka
dalka kenya shiikh Cali Iiman Axmed ayaa cajal muuqaal ah ku sheegay in ay ku
biireey Xarakada al-Shabaab ee soomaliya.

Sheekh Iiman ayaa sheegay in ku
biiritaankooda Al-Shabaab ay ku xoojinayaan dagaalada ka socda Soomaliya ee
xarakada Al-shabaab ay kula jirto dawlada kenya iyo Soomalaiya .

Shiikha ayaa sidoo kale sheegay in
codsiga ku biiritaanka al-Shabaab ay u gudbiyeen amiirka Ururka al-Qaacida e
bariga Africa isla markaana ah amiirka Xarakada A-Shabaab ee soomalia Sheekh
Mukhtaar Abuu-Subeyr isla markaana uu ka qabalay in ay si toos ah ugu biiraan.

Wadaadkan oo ku hadlay afka
sawaaxiliga ayaa dhanka kale ka hadlay dagaalada ay kula jiraan dawlada kenya
waxaana uu sheegay in kooxdiisu ay haysato awood ay ku muquunin karto ciidamada
Kenya.

Sheekh Cali Iiman ayaa sheegay in ku
biiritaankooda Al-shabaab ay soo celin karto Imaaradii Islaamka ee ka jirtay
gobolada bariga Afrika waxaana uu ku daray in ay taasi tahay mawqifkooda
koowaad ee ay dagaaladan ugu jiraan.

Sheekha ayaa sidoo kale ugu baaqay
dhamaan muslimiinta ku nool dalka kenya in ay garab istaagaan isla markaana ay
ku taageeraan dagaalka lagula jiro cadawga ilahey

Ku biiritaanka kooxda Cali Iimaan
iyo xarakada al-Shabaab ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhowar maalin ka hor qarax
banbaano lagu weeraray kaniisad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya .

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)