Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Caasaho Cumar Geesdiir oo Deeq Kaalmo ah U qaybisay 16-ka Degmo ee Gobolka Banaadir Iyo Qaar Ka Tirsan kaamamka barakacayaasha Muqdisho

0
804

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Ururka haweenka Qaranka soomaaliyeed ayaa maanta deeq kaalmo ah u qaybisay Dumarka Ku Sugan 16-ka Degmo ee Gobolka banadir Iyo Qaar Ka Tirsan xerooyinka barakacayaasha ee Gu yaal magaaladda Muqdisho

Deeqdaan oo  Isugu jirtay dhar, Cunto Iyo daawo ayaa waxa ay ka Timid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kuwayt oo kaashanaysa safaaradda Soomaalida ee dalkaasi Waxaana Loo wakiishay In ay qaybiyaan Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed oo Iyaguna garabsanaya Radio Sahan ee magaalada Muqdisho

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Caasaho Cumar Geesdiir oo ka hadashay Munaasabadii 16-ka Degmo  lagu Gudoonsiinayey Deeqdaan Ka timid walaalaha soomaaliyeed ee dalka kuwayt ku nool isla markaana ka damqaday Dhibaatada baahsan ee ka jirta dalka soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay In jaaliyadaha caalamka gaar Ahaan kan dalka kuwayt ay shacabka soomaaliyeed la
qaybsanayaan dhibaatada ka jirta dalka soomaaliya

Sidoo kale Gudoomiye caasha ayaa mahad ballaaran u jeedisay jaaliyada iyo safaaradda Soomaaliyeed ee dalka kuwayt oo deeqdaan isugu Jiray dhar daawo Iyo Cunto soo gaarsiisay walaalahooda ku nool Muqdisho

( maanta waxaan halkaan isugu nimid In aan idin Gudoon siiyo deeqdaan ka timid walaalaheen Soomaaliyeed ee Ku Nool dalka Kuwayt oo nagala qayb qaadanayaa dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya )

Marwo caasho Cumar Geesdiir ayaa Sidoo kale waxa ay ammaan Iyo dhiira galinba u soo Jeedisay haweenka 16-ka degmo ee Gobolka banadir

( Waxaan sidoo kale mahad ballaaran U Soo Jeedinayaa haweenka Ku dhaqan 16-ka degmo ee gobolka banaadir oo kaalin muuqata kaga jira bulshada Soomaaliyeed)

Si  Kastaba ha ahaatee marwo Caasho Cumar Geesdiir ayaa waxa ay ka Mid Ahayd masuuliyiinti Ku Dhaawacmay qaraxii ka Dhacay Xarunta Golaha Murtida Iyo Madadaalada ( Nation Theater) Waxana ay Dad Badani Maanka Ku hayeen In haddii ay Bogsooto Isaga carari Doonto Dalka Soomaaliya laakiin waxa ay Mar Qura wada Amakaageen markii ayKa Soo Muuqatay  TV-yada Idaacaddaha Iyo Website-yada Iyadoo Qaybinayso Deeq daanii  faraxadina ay Ka Muuqato

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com