Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee warsom.com)
Waxaa Habeenkii xalay Saacadu Marka Ay Ahayd 9-kii Fiidnimo 2 Gantaal oo aan La garan Halka ay ka Yimaadeen Lagu garaacay Gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose Sida ay wakaalada Wararka warsom U Xaqiijinayaan Dadka Deegaanka
Gantaalada ayaa Si gaar Ah waxa lala Eegtay Goobo La tuhun san Yahay In ay Xerooyin Militari U Yihiin Xarakada Al Shababa Ee gacanta Kuhaya Guud Ahaan Gobolka Sh/Hoose Waxaana Goobahaasi ka Mid ah Laanta Buure Iyo Goob kale Oo Lagu Sheegay In ay Ahayd Xero Agoon laakiin haatan ay Xero Milatari U hayad Al Shabaab Siada Wararka qaar ay Sheegayaan
ma Jiro Ilaa Iyo Haatan warar rasmi ah oo Cadeynaya Qasaaraha Ka Dhaay gantaaladaasi Inta ay la Eg tahay Mana Jirro wax war ah oo ka baxay Xarakada Al Shabaab Oo Iyagu maamulo Degmada gantaalada lala Dhacay
Shacabka Ku Dhacan Degmada Afgooye oo Aan Xiriiro La Smaeynay ayaa La Amakaagay Gantaaladaasi waxa ayna awoodi Waayeen In ay Sheegaan halka Uu ka Yimid Balse waxa ya Qireen In Uu Ahaa gantaal Hilaaciisa laga Arkayey Inta badan Deegaanada Degamada Afgooye
Sidoo Kale Mid Ka Mid ah Dadka Ku Dahaqan Degmadaasi Oo ka gaabsaday In Magaciisa La baahiso ayaa Warsom U Cadeeyey In Gantaalada ay Ka Imaadeen Dhanka badda Oo maraakiivb Laga Soo Tuuray waxa Uuna Intaa Ku daray In aysan Jirin Maqalka Guuxa Diyaarada Hadii La Tuhmi Lahaa INay Diyaada Laga Soo Tuuray
Reer Afgooye ayaa xalay Ku Jiiftay Cabsi Wal wal Iyo Wal Bahaar Iyagoo Xitaa Horay maanga Ugu hayey In ay mar kastaba Dhici Karto Duqeymo Lala Bartilmaa Meedsato Degmadaasi
haddaba gantaaladaani xalay Lagu garaacay Afgooye ayaa Imaanaya Xili Dowladda Kenya ay Dhawaan Shaacisay In ay Duqeymo Dhanka Cirka ah Ka Fulin Doonto 10 Magaalo oo ay degmada Afgooye Ku Jirtay taaso U Muuqanayso In ay Kenya qaaday Tallaabadii Ugui Horeysay Ee Duqeymaha
Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee warsom.com)