Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Kagadaal afduubkii lagula kacay 2-da Habeyney oo ahaa dhakhaatiir kana tirsanaa hay’adda MSF Spain oo ah dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn isla markaana u dhashey dalka Spain, iyo afduubyadii ka horeeyey ee lagula kacay Judith Tebbut iyo Marie Dedieu laguna diley David Tebutt, waxaa Isbedel ku dhacay xiriirkii labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya
dhamaan afduubyadaas dhaawacay sumcadii dalkooda isla markaana hoos u dhigey suuqyada dalxiiska ee dalkaas ka helo malaayiinta dollar ayaa ku eedeeyey, Kooxda al-Shabaab oo ka talisa inta badanDhulaka Kenya la wadaagto Soomaaliya.
Dawladda TFG-da Soomaaliya, markii hore waxa ay isku daydey in ay inkirto in xuduudka aysan awoodin in ay ilaaliyaan ciidamo shisheeye ka soo talaabeen, laakiin xaglo Geel wax la qariyo ka weyn, markii Kenya qarin weydey arrintaas ayey ka codsatey in Kenya faah-faahin ka siiso arintaas,
Waxaana magaalada Muqdisho tegey wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya iyo Wasiirka Gaashaandhiga maalin kadib markii ciidamadoodu galeen Soomaaliya,
Waxaana kulankaas laga soosaarey in labada dal yeelanayaan Iskaashi iyo in ay iska kaalmeystaan la dagaalanka al-Shabaab,
Laakiin Kenya kama helin dawladda federaalka wixii ay rabeen ee ahaa in ay u saxiixaan in ilaa magaalada Kismaayo ay tagaan ciidankoodu, taas oo ahayd mid ay ku taamayeen labadii sano ee u danbeeyey sida ay faafisey WIKILEAKS warqadihii ay ka heleen safaaradda Maraykanku ku lee yahay Kenya.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka hadley Degmada Deyniile ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay in ciidamada Kenya ay gudaha u soo galaan Soomaaliya,
Waxaana uu sheegey in aysan arrintaas u dulqaadanayn, midda loo baahan yahay ay tahay in Kenya haddii ay dooneyso in al-Shabaab lala diriro ay taageerto ciidanka Soomaaliya, hawshaasna ay qabanayaan Ciidanka Qaranku.
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)





