War Deg deg ah ” Saraakiil Ka Tirsan Maleeshiyada TFG-da Iyo Kooxda Ahlu Sunna oo Weeraro gaadmo Lagu Khaarajiyey”
Posted On:
(Warsom) Mogadishu
Tuesday 26 April 2011
Dagaal xoogan oo Qasaaro uu ka soo gaaray Ciidamada Dowlada iyo kuwa Ahlu sunna oo ka dhacay walaayada Gedo
Dagaalkaani ayaa abaara salaadii maqrib ka dib ka dhacay meelku dhow deegaanka baled xaabo ee walaayada gedo dagaalkaani ayaa la sheegay in uu ahaa mid qorsheysan oo ay qaadeen Cutubyo ka tirsan Mujaahidiinta Al-shabaab
Wararka ka imaanaya degaanka uu dagalka ka dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku geeriyodeen Maleeshiyaad ka tirsan TFGda iyo Ahlusunna waxaan saraakiishaasi ka mid ah Geele Guuleed Faarax oo ahaa Abaan duulihi Maleeshiyaadka Bare Hiiraale Bashi iley Iyo Daahir Macain oo iyana ka tirsan Saraakiisha sare sare ee gobolkaasi ku sugan
Wax Yar ka dib weererkaasi Marka uu dhacay ayaa waxaa warbaahinta Islaamiga la hadlay shiikh C/casiis Abuu Muscab Oo Ah Afayeenka Ciidamad Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Waxa uuna sheegay in ay dagaalkaasi ku dileen Saraakiil Iyo ciidamo Farabadan Oo Uu Sheegay i ay Yihiin Murtadiin waxa uun Intaasi raaciyay In ay Sii wadi doonaan weererada Ceenkaani Oo Kale ah
Dhanka Kale Xildhibaan Bare Aadan Shire Bare Hiiraale Ayaa sheegay Dhankiisa In Uu Jiro Weera\rkaasi Qasaaro Xoogana Dhankooda Uu Soo Gaaray
Tan Iyo markii Deegaano Kooban oo ka tirsan Gobolka Gedo Oo Ay la wareen Ciidamad Ithopia Kuwa Dowlada Iyo Kooxda Ahlusunna Ayaa waxaa Halkaasi ka jiray weeraro Xoogan oo ay qaadayeen Mjaahidiinta Al-Shabaab
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(