Qab Qablayaashii Dhacay Hantida Dekedda Muqdisho oo Sameystay Musharax U Taagan Xilka Madaxtinimo Ee Soomaaliya Posted On:
(Warsom.com) Mogadishu Somali
Monday 25 April 2011
Qab Qablayaashii Dhacay Hantida Shacabka Muslim ee Soomaaliyeed ee Dekedde Muqdisho ayaa Waxa ay Mar ale Ka Soo Muuqdeen Masraxa Siyaasada Soomaaliya Waxa ayna Haatan Qorsheynayaan In ay Soo Bandhigaan Musharaxa Dhankooda Ka Socda oo qabto Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya waxa ayna Isku darsadeen Lacagihii ay Horey Uga Dhaceen Dekedda Muqdisho
Shaqsiyaadka Ugu cad Cad ee Ka Dhex Muuqda Qab Qablayaashaani ayaa Waxaa Ka mid ah Cali Maxamed Geedi, Cabdi Jiinow Calasow, Cabdi Xasan Cawaale Qeyb Diid, Axmed Yaaqshiid, Axmed C/Salaan xaaji Aadan, Wali Saciid Siyaad Shirwac Iyo Qab Qablayaal Kale oo Fara Badan
Sidoo Kale ragaan Qaarkood aya Dhawaan waxa ay Dalka Ethiopia Kula Kulmeen Saraakiil Ka Tirsan Dowladda Dalka Ethiopia waxayna Kal aHadleen In Dowladda Ethioipia ay Ku Garbiso Hamigooda Ku aadan In ay Mar Kale Boobaan Hantida Ummada Soomaaliyeed
Waxa ayna U Balan Qaadeen Saraakiisha Ciidamada Ethiopia in ay Dalka Soomaaliya Ka Fulin Doonaa Qorsho Kasto oo ay Dowlada Ethiopia Uga Baahan tahay
Ilo Lagu Kalsoon Yahay oo ka Mid Ragaan aan Soo Sheegnay ayaa Xaqiijiyey In Musharaxa Madaxtinmo ee Dhankooda uu Noqdo Cali Maxamed Geedi
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(
info@warsom.com & webmaster@warsom.com)