Guriga Hooyooyinka oo isku badalay Goobo Ganacsi iyo Meelo ay Dagan yihiin Dad Rayid ah iyo Kuwo Hubeysan Laguna Farxumeeyo Habeenka Deegaanka ku ah Halkaasi

0
646

Guriga Hooyooyinka oo isku badalay Goobo Ganacsi iyo Meelo ay Dagan yihiin Dad Rayid ah iyo Kuwo Hubeysan Laguna Farxumeeyo Habeenka Deegaanka ku ah Halkaasi

 

Posted On:

Tuesday 26 April 2011 (Warsom) MogadishuGurigaan hooyooyinka ayaa wuxuu yahay guri fac weyn leh ayna ku shaqeyn jireen hooyooyinka Soomaaliyeed waxaana iminka halkaasi xarumo ganacsi ka furtay halkaas waxaanaka baar weyn oo lagu magacaabo (The Village) uu furtay nin Soomaali Ingiriis ah oo u jooga Muqdisho Dhaca lacagta yar ay heystaan dadka deegaankaasi ku dhaqan waxaaba ka sii daran shaqsigaas Anteena Dheer Dheer Dheer ayaa la saaray Dabaqadii Sare ee Guriga Hooyooyinka oo la leeyahay waa Idaacad halka dad kaloo rayid ahna iyo kuwa hubeysan ay dagan yihiin qeybaha dhexe ee dabaqa hadii Anteena Dheer la saartay guriga hooyooyinka idaacadna lagu sheegay wasaaradii habeenka halkee bay ku shaqeyneysaa??

Dadka qaarkiis ayaa waxay is leeyihiin warbaahinta ayaa iminka bilaabay wixii soo jiray 20 kii sano ee aan soo dhaafnay oo ahaa boobka hantida qaranka laakin sidaas ma ahan waa shaqsiyaad ku habsaday guriga hooyooyinka laakin ilama aha in arintaasi laga yeeli doono ayuu yiri mid ka mid ah Masuuliyiinta gurigiisi gacanta ku haayay intuu jiray burburka

Sidoo kale waxaa dhawaan halkaas lagu farxumeeyay mid ka mid gabdhaha dariska la ah guriga hooyooyinka waxaa sidoo kale jirtay maamul xumada halkaasi ka jirta in todobaadkii aan soo dhaafnay halkaasi gabar ka mid ah gabdhaha halkaasi ku dhaqan in mid kale toorey nafsada kaga dhaafsiisay.

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

 

 

info@warsom.com & HYPERLINK “mailto:webmaster@warsom.com”HYPERLINK “mailto:webmaster@warsom.com”webmaster@warsom.com)