Shabakad Looga Shakisanyahey Burcad Badeed iyo Hub Sharci Darro ah oo Puntland Qabatey.

0
80

Ciidamada badda Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub sharci darro ah iyo shabakad looga shakisan yahay inay yihiin burcad badeed.

Howlgalkan ayaa ka dhacay degmo xeebeedka Eyl, halkaas oo ay ciidamadu sheegeen in ay ka mid tahay meelaha laga abaabulo weerarrada  qafaalashada maraakiibta caalamiga ah.

War saxaafadeed kasoo baxay ciidanka badda Puntland ayaa sheegay, in ciidamadu ay ku raad joogaan burcad badeeddii madaxa furashada ka qaatay Markab laga leeyahay dalka Bangladesh oo laga qaatay lacag $5 milyan ah.

Sidoo kale, ciidamadu waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen doon kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen, taasoo si sharci darro ah uga kalluumaysanaysay xeebaha Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, Burcad badeedda Soomaalida ayaa la sheegay inay abaabulayaan weerarro ka dhan ah maraakiibta shisheeye, iyadoo la sheegay qeybo kamid ah lacagtii madax furashada ahayd inay ku maalgalinayaan  kooxo howlgallo cusub ka fuliya xeebaha.