Sir Alex Ferguson Oo Qorsheynaya Inuu 3 Ciyaaryahan Xagaaga Kala Soo Wareego Borussia Dortmund.

    0
    515


    Shabakada Wararka Sports-ka Warsom.com

    Tababare Sir Alex Ferguson ayaa doonaya inuu la soo wareego wax aan ka yareyn seddex ciyaaryahan oo u ciyaarta Borussia Dortmund ka dib markii uu daawaday habeenkii sabtida markii ay 5-2 Bayern Munich kaga qaadeen koobka German Cup, sida ay qortay maanta Daily Mail.

    Tababaraha Manchester ayaa ciyaaryahan ugu cadcad ee uu doonayo inuu la soo wareego uu yahay kubadsameeye Shinji Kagawa, lakiin sidoo kale waxa uu xiiseynayaa weeraryahanka reer Poland Robert Lewandowski, kaasoo dhaliyay seddexleey iyo daafaca Jarmalka Mats Hummels.

    Wadahadalo dhanka qadaraaska ah oo u dhaxeeyay Lewandowski iyo kooxda ayaa burburay waxaana wakiilkiisa Maik Bartel uu yiri sida Dail Mail ay qortay: “Heshiiska ay soo bandhigtay Dortmund ma ahan mid nagu filan, waxaana ku xaqiijin karaa in Manchester United ay xiiseyneyso ciyaaryahanka”.

    Waxaa sidoo kal dareensan yahay Hummels aabihiisa oo sidoo kale ah wakiilkiisa in lagu martiqaaday Manchester si uu kooxda wadahadalo u la galo.

    United waa inay qarashgareysaa ugu yaraan 50 milyan ginni hadii ay doonayaan seddexda ciyaaryahan, lakiin agaasimaha kooxda ayaa ku adkeysanaya in ciyaartoydooda ay ceshan doonaan marka Kagawa laga reebo.

    “Waxaan filaneynaa in Kagawa uu baxo, lakiin ma jirto lacag inaga dhaadhicin karta inaan iska iibino ciyaartoyda kale” ayuu yiri Hans-Joachim Watzke.

    Xafiiska Sports-ka Shabalada Wararka Warsom.com
    Cabdi Rashiid Ciise Cali
    C.rashiid9@hotmail.com
    Muqdisho,Somaliya