Ruud van Nistelrooy Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Fariisanayo Ciyaaraha Kubada Cagta.

    0
    477

    Shabakada Wararka Sports-ka Warsom.com

    Ruud van Nistelrooy ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariisanayo ciyaaraha kubada cagta xagaagan ka dib markii uu doortay inuusan heshiiska u cusbooneysiinin kooxda Malaga.

     

    Xiddigii hore ee xulka Holland ayaa qandaraaskiisa kooxda Spain uu dhacayay, waxaana uu diiday inuu qalinka ku duugo heshiis cusub madaama uu dareensan yahay in la gaaray xilligii uu soo gabagabeyn lahaa mustaqbaliisii ciyaareed.

     

    35 jirkaan ayaa ciyaaraha caalamiga ka bilaabay kooxda reer Holland ee Den Bosch 1993dii ka hor inta uusan ku biirin Heerenveen afar sanno ka dib.

     

    Ka dib hal xilli ciyaareed oo uu ku sugnaa Friezen, Van Nistelrooy ayaa u dhaqaaqay PSV, halkaasoo uu ka soo galay xulka qaranka Holland waxaana uu uga danbeyn heshiis weyn ka helay kooxda Manchester United ka dib seddex illi ciyaareed oo guulo ah oo uu la qeybsaday PSV.

     

    Van Nistelrooy ayaa si dhaqso ah uga noqday xiddig garoonka Old Trafford isagoo dhaliyay 150 gool 219 kulan oo uu u saftay.

     

    Weeraryahankan halista ahaa ayaa markaasi ku biiray Real Madrid xagaagii 2006, isagoo la qaaday labo horyaal.

     

    Waxa uu sidoo kale 18 bilood u soo ciyaaray kooxda Hamburg ka dibna waxa uu ku biiray kooxda Malaga oo uu haatan ku soo gabagabeynayo mustaqbalkiisa ciyaareed.

     

    Van Nistelrooy ayaa 70 kulan u saftay xulka Netherlands isagoo u dhaliyay 35 gool. Waxa uu ciyaaray Euro 2004, koobkii adduunka 2006 iyo Euro 2008. Waxa uu dhaliyay 347 gool 588 gool oo uu u saftay kooxihii uu soo maray oo dhan.

    Xafiiska Sports-ka Shabalada Wararka Warsom.com
    Cabdi Rashiid Ciise Cali
    C.rashiid9@hotmail.com
    Muqdisho,Somaliya