Madaxda Saldhigyada iyo Qaybaha Booliska Gobolka Banaadir oo Isku Shaandheyn Lagu Sameeyey.

0
612

Taliska cusub ee Booliiska Soomaaliyeed ayaa isku shaandheyn ku sameeyay taliye-yaasha Saldhigyada iyo hoggaanka degmooyinka gobolka Banaadir.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xassan Xijaar ayaa  saraakiil u magacaaay xilal sare halka kuwa kalana xilalkii laga qaaday.

La-taliyaha sare Taliyaha ciidanka booliiska  ayaa loo magacaabay Cabdifitaax Mire oo hore u ahaa taliyaha Saldhigga Wilyow Cadde

Yaasiin Nuur Kheyre Ganey ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Dharkeenley

Gaashaanle Mahad Cabdi Xakiin Cumar ( Mahad Koroow) ayaa  loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska Waliyow Cadde.

Taliyaha Birmadka ciidanka boliiska ayaa loo magacabay Yuusuf Hundubay oo horay u ahaa taliyaha Qaybta Galbeed

Taliyaha Daraawiishta Booliiska ayaa laga dhigay Gaashanle sare Cabdulaahi Mire Siyaad

Taliyaha qaybta Galbeed ayaa loo magacaabay Maxamuud Xusseen, Taliyaha Laanta socotada ciidanka Booliiska Cabdirashiid Aadan Xirsi.

Taliye-yaasha saldhigyada iyo qeybaha gobolka Banaadir ayaa saddexdii  sano ee la soo dhaafay waxaa lagu sameynayay isku shaandheyn iyo xilka  qaadis lagu sameynayay Dhawr Jeer Iyadoon Marnaba Wax Isbedel ah Laga Dareemin Dhanka Amniga iyo Hawlgalada Boolisku Sameeyaan.