Ciidamada Maamulka Degmada Jalalaqsi oo Dagaal uu Dhexmarey Ciidamada Amisom ee Dalka Jabuuti.

0
547

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada Jabuuti ee AMISOM iyo Ciidammada Maamulka degmada Jalalaqsi kaas oo Maanta ka dhacay gudaha degmada.

Ciidamada Jabuuti ayaa la sheegay in ay la wareegeen  dhamaan xarumaha maamulka.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii maamulka degmada Jalalaqsi ay  diideen in la hawada laga saaro lana demiyo xarunta shirkadda Hormuud  ee degmadaasi taas oo subax walba la demin jiray, kaddibna ay howlo miina  baaris ah ay ciidamada Jabuuti sameyn jireen

Dad ku sugan degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee AMISOM ay gebi ahaanba la wareegeen xarumaha uu ku shaqeynayay Maamulka degmada Jalalaqsi,isla markaana  ciidamadii  maamulkaas dagaal magaalada looga saara.

Waa iska horimaadkii ugu horeeyay ee dhaxmara ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee   ku sugan gobolka Hiiraan.