Dowlada Mareykanka Oo Dib U Furay Safaaradiisii Muqdisho

0
473

Mareykanka ayaa dib u furay safaaradii uu ku lahaa Magaalada Muqdisho.

Safaaradda ayaa xirneyd mudo ku dhaw 30 sano, waxaana la xiray markii Soomalaiya ka qarxay dagaalkii sokeeye.

Bayaan kasoo baxay howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dib u aas-aasidda safaaradda uu goobjoog ka ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Yamamoto ayaa sheegay in tallaabada dib loogu aas-aasay safaaradda ay “ Dib u xaqiijineyso xiriirka ka dhaxeeya shacabka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya.”

Safiirka ayaa yiri “ Waa ahmiyad weyn oo taariikhi ah, oo caddeyn u ah horumarka ay Soomaaliya sameysay sanadihii dhowaa.”

Qoraalka howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa intaas ku daray “Tani waa tallaabo kale oo loo qaaday sii wadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka uu la leeyahay Muqdisho tan iyo markii sanaddii 2018 la aqoonsaday dowladda Soomaaliya.”