Ciidamada Danab ee Difaaca Ballidoogle oo Sheegay In ay Dhamaan Dileen Maleyshiyaad Soo Weerarey.

0
635

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab weerarkii maalintii shalay ay ku qaadeen saldhigga militari ee Balli- doogle oo fariisin u ah ciidamo iyo saraakiil Mareykanka ah oo ay wehliyaan ciidamada dowladda gaar ahaan qeybta DANAB iyo AMISOM.

Taliyaha Danab Gaashaanle Cabdiraxmaan Cumar Warsame Jeeni-Qaar ayaa sheegay inaan waxba ka badbaadin sida uu hadalka u dhigay xoogaggii weerarka ku soo qaaday saldhiggooda Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose dhamantoodna goobta lagu dilay.

Laakiin dhinaca kale taliyuhu ma uusan sheegin tirada dagaalyahannada Al-shabaab ee weerar soo qaaday ama ay ku dileen iska horimaadka dhaxmaray.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa iyaguna sheegtay in ay weerarkaasi ku qaadeen saldhigga iyaga oo adeegsanaya baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyo weliba maleeshiyaad hubaysan.

Al-Shabaab waxaa ay sheegtay in ay dileen ilaa 100 askari, taasi waxaa beeniyey mas’uuliyiinta Soomaaliya.

Mareykanka oo ka hadlay weerarkan waxaa uu uga mahad celiyay ciidamada dowladda Soomaaliya is hortaagii ay ku sameeyeen Al-shabaab oo doonayay in u dhacaan gudaha xerada.