Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan aqoonsanayn natiijada ka soo baxday doorashadii madaxtinimo ee maanta ka dhacday magaaladda Kismaayo, taasi oo lagu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe)
Warsaxafadeed ay soo saartay wasaaradda ayay ku cadeysay ineysan aqoonsaneyn natiijooyinka kala duwan ee kasoo baxay Kismaayo, kuwaas oo tilmaamaya in shaqsiyaad kala duwan mid walba gaarkiisa u sheegto Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland, sida ay ku sheegtay warsaxafadeedka
waxaana dhinaca kale Wasaaradda Walaac ka muujisay dhacdooyinka kasoo cusboonaaday Kismaayo ee ku saabsan Is Caleema saarka baalmarsan habraacyada Doorashooyinka, Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.
AKHRISO WARSAXAFADEEDKA














