Degmada Jalalaqsi waxaa meel wanaagsan maraya dhismaha Masjid Jaamaca ugu weyn guud ahaan marka la eego deegaannada Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Hiiran.
Eng Cabdirashiid Cali Cumar Foodey oo ah howlwadeenka dhismaha Masjidka ayaa Qaar Kamid ah Warbaahinta uga waramay halka uu maraya dhismaha isaga oo sheegay in marka la eego baaxda dhulka uu ku fadhiyo Masjidka uu gaarayo 1000mt oo Isku wareeg ah, sidaa daraadeed loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato dhismhiisa.
”Dhismaha hadda waxaa la soo gaarsiiyay meel wanaagsan, waxaana gacan weyn ka geystay dadka kheyrka jecel ee muxsiinta ah, laakiin howlihiisii ugu badnaa marka la eego dhismaha Masjidka wali fari kama qodna, sidaa daraadeed wuxuu u baahan yahay guud ahaan in gacan laga wada geysto” Eng Cabdirashiid Cali Cumar.
Baahida keentay in la ballaariyo Majidka ayeey ku sheegeen qaar ka mid ah Wax-garadka degmada in dadka uu ku filanaan waayay Majidkii hore uga dhisnaa degmada oo ay bilaabeen in dadku in ay salaada ku tukadaan heeraraha Waddada kaddib markii uu Masjidku qaadi waayay, taa oo keentay in baaxadiisa la ballaariyo.
Hadaba Hadii aad Dooneysid In Aad Wax ku Darsato La Xiriir Degmada Jalalaqsi iyo Eng-Cabdirashiid Cali Cumar oo aad Xiriirkiisa ka Heli Kartid Baraha Bulshadu isticmaasho Sida Facebook,Twitter,iyo Linkedin.












