Al-Shabaab Oo Shaaciyay Ergooyinkii Galmudug & Hirshabelle 

0
519

Ururka Al Shabaab ayaa Deegaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan ku soo bandhigay odayaal fara-badan, oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Ergooyinkii Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ku soo kala doortay Galmudug & Hirshabelle.

Saraakiil Ururka Al Shabaab ka tirsan ayaa waxay sheegeen in Ergooyinkan oo towbad keen ah ay isaga kala yimaadeen Deegaanada Maamulada Galmudug & Hirshabelle.

Warbaahinta afka Shabaabka ku hadasha ayaa baahisay in kulankan ay ka qaybgaleen Gudoomiye-yaasha Shabaabka ugu kala magacaaban Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan & Mudug.

Sidoo kale Warbaahinta Al Shabaab ayaa sheegtay in la cafiyay odayaashan oo 53 ka mida ay ka yimaadeen Hirshabelle iyo 33 kale oo ka timid Galmudug.

Kulanka lagu kulmiyay odayaashan ayaa waxaa hal kudhig looga dhigay (Xafladda soo dhawaynta Odayaasha Dhaqanka ee ka towbad keenay ridada).

Shabaabka ayaa Madaxda, Shaqaalaha Dowladda, Saraakiisha iyo Ciidamada Qaranka & cid kasta oo la shaqaysa ayaa waxay ku sifeeyaan kuwo Diinta Alle ka laabtay.