Ku Simaha ahna Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa waxaa uu is bedel ku sameeyay Taliskii Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 21aad.
Digreeto uu soo saaray S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa waxaa Taliyaha Cusub ee Qaybta 21aad loogu magacaabay G/Sare C/casiis C/laahi (Qooje Dagaari).
Abaanduulaha Qaybta 21aad ayaa isna loo magacaabay Dhame Aadan Siyaad Cabdi, halka Taliyaha Danab Qaybta 21aad loo Magacaabay Dhame Mukhtaar Cabdi aadan.
Is bedelka lagu sameeyay Taliska Qaybta 21aad ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli shalay Ciidamada Dowladda Federaalka Somaliya lagu wareejiyay ammaanka Magaalada Dhuusamareeb.
Maanta ayay ahayd markii Ciidamada Militariga ee sida gaarka u tababaran ee (Danab) lagu wareejiyay amniga Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.
Maalinta Isniinta ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo Shirweynaha Dib U Heshiisiinta Beelaha Galmudug, haddii aanu wax iska bedelin jadwalka Guddiga qaban-qaabada ee shirweynaha.












