Puntland iyo Somaliland oo Qaramada Ugu Baaqdey Wada Hadal In ay Ka Galaan Xurgufta Dhex Taal.

0
610
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo booqashadii u horreysay shalay ku tagay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa baaq u diray Puntland iyo Soomaaliland.
James Swan , ayaa ka hadlay xiisada deegaan ee labada dhinac u dhaxeysa, taas oo uu qiray inay  ka sii dareyso, balse wuxuu usoo jeedin wada-hadal in arrintaa laga yeesho.
“Hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Soomaaliland, waxaan ka codsanaya geeddi socod nabad ah oo ku aaddan muranka.” ayuu yiri isagoo suxufiyiinta kula hadlayay iradda hore ee xafiiska madaxweynaha Puntland.
Wakiilka wuxuu shir saxaafadeedkiisa ku caddeeyay inay madaxweynaha Puntland isla soo qaadeen muranka muddada taagan ee Sanaag iyo Sool, si la mid ah isku dhacyadda goos gooska ah ee deegaanka Turkaraq oo bartamihii sannadkii hore ay la wareegeen Soomaaliland.
Swan , ayaa ugu dambeyntii ugu digay labada dhinac isku-dhacyo gacan ka hadal ah oo mar dambe dhex mara.