Xildhibaan Barlamaanka Federalka Ka Tirsan oo R/wasaaraha Ka Codsadey In uu Barlamaanka La Wadaago Xogta Arinta Muranka Badda.

0
483
Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo maanta hadal ka jeediyay xarunta golaha shacabka ayaa ka codsaday ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Khayre inuu Baarlamaanka horyimaado si uu ula socod siiyo arrimaha muranka Badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.
Wuxuu sheegay Baarlamaanka inuusan wax badan kala socon xaaladda, si ay wax uga oggaadana ay muhiim tahay in ra’iisul wasaaraha xukuumadda uu sharraxaad dheer ka siiyo oo Baarlamaanka xaaladda laga talogeliyo.
Xildhibaan Ciyaar Jecel ayaase hay’adaha arrimaha ku shaqada leh ee dalka ku ammaanay jawaabaya ay ka bixinayeen iyo warbixinnada ay soo gudbiyeen.

Balse, guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudey oo guddoominayay fadhiga maanta ee golaha shacabka ayaa sheegay  in ay la socdaan xaaladda muranka Badda Soomaaliya ee ay Kenya waddo, isagoo intaa ku daray inay eegayaan bal cidda wax ka bedesha.