Duulimaadkii Ugu Horeeyey ee Diyaaradda Shirkada Qatar Airways oo Muqdisho Soo Gaarey.

0
516
Diyaaradda Qatar Airways ayaa goor dhow soo caga-dhigatay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho , iyadoo duulimaadkan uu noqonayo midkii u horreeyay ee dalka ku imaanayso tan iyo burburkii dowladdii dhexe.

Munaasabad lagu daahfurayo billowga duulimaadyada shirkadda caalamiga ah ee Qatar Airways ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa ka qeybgalay wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Duulimaadkan ayaa la sheegay inuu si toos ah isugu xirayo caasimadda Muqdisho iyo xarunta dalka Qatar ee Doha.

Illaa 87 dal ayay duulimaad ku tagta shirkadan oo shantii sanno ee u dambeysay kow iyo labo ka noqonaysay kala sareynta diyaaradaha ugu wanagsan ee duulimaadyada sameeya caalamka.

Horey waxaa duulimaad ugu imaan jiray caasimadda Muqdisho , shirkadaha diyaaradaha ee Turkish Airlines iyo Ethiopian Airline. Waxaana loo arka inay fursad wanagsan u tahay bulshada Soomaaliyeed ee dalalka waqooyiga Ameerika iyo Yurub ka soo safri jiray.