Ciidammada ammaanka dowladda Puntland ayaa lugu arkay xalay jidka dheer ee laamiga ah iyo goobo kale oo muhiim ah kuwaaso baaritaano waday,sida uu sheegay sarkaal ciidanka ka tirsan.
Gaadiidka iyo dad-weynaha ayay ciidammada baareyeen,waxaan ay u sheegayeen shacabka in howlgallada ay-yihiin kuwo lugu xaqiijinayo ammaanka.
“Ciidammada ayaa gaadiidka joojinayay mar an tagay xalay waddada laamiga ah ee bartamaha magaalada marta,waxaana ay sheegeen inay ammaanka xoojinayaan,”ayuu yiri Cali Maxamuud oo ka mid ah darawalada gaadiidka dadweynaha ee gudaha magaalada ka shaqeeya.
Saraakisha ammaanka wax faah faahin ah kama aysan bixin howlgallada cusub ee ka billowday magaalada Gaalkacyo oo xarun u ah gobolka Mudug .
Ciidammo badan ayaa la arkayay iyagoo baaritaanka ka qayb-qaadanaya,kuwaaso ku labisna dareeska ciidanka daraawishta Puntland.
Howlgallada lugu xoojinaa ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo aadaya xilli qof is-miidamiye ah uu weerarray gaari ay la socdeen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay,weerarka oo maalin ka hor ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland.
Puntland ayaa sheegtay in la xoojin doono ammaanka,sida lugu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada.





