Maalinta biri ah waxaa Maxkamada Gobolka Banaadir markii seddexad ka soo muuqan doona Malkiilada Idaacada Shabelle iyo Sky Fm Mudane C/Maalik Yuusuf Maxamuud iyo Wariyaasha kala Maxamuud Maxamed Daahir Carab Wariye Maxamed Bashir Xanshi iyoWariye Ugu Caansan Muqdisho Axmed Cabdi Xasan kuwaa oo dacwad ka dhan ah ka keentay xeer ilaalinta,Maxamud carab iyo Maxamed Bashiir oo xirnaa muddo lixbilood ah ayaa waxaa maalinta biri ka soo muuqan doonaan Maxkamada Gobolka Banaadir,iyadoo Maxkamada ay horay si damiin ah u sii deysay Malkiilihii Shabelle C/Maalik Yuusuf Maxamuud iyo Wariye Axmed Cabdi Xasan.
Maalmo ka hor waxaa Xabsiga dhexe oo ay wariyaasha ku xiran yihiin waxaa laga geeyey warqad Maxkamada ay ku dalbaneyso in 15 02 2015 oo ku aadan Maalinta biri ah in Maxkamada la keeno Wariyaashaasi si loo Maxkamadeeyo.
Ku dhawaad Seddex jeer ayaa waxaa la baajiyey Maxkamada oo Xeer ilaalinta ay sheegtay in wali ay wadaan baaritaano iyo sidii ay u keeni lahaayeen cadeyn buuxda
Si kastaba Idaacada Shabelle oo ah Warbaahinta ugu dhageystayaasha badan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay hawada ay ka maqan tahay Muddo lixbilood ah shacabka qaarna waxaa ay sheegeen in ay noqdeen dhagoollo,maadaama ay bulshada ka haqabtiri jirtay Warar Siyaasadaha.
Idaacadaha Shabelle iyo Sky ayaa waxaa la xiran 15 Agusto waxaana si barer ah ugu soo duulay Ciidamada amaanka waxaana ay qaateen qalabkii ay ku shaqeyneysay.
Warbaahinada ayaa waxaa ay isha ku hayaan sidii ay biri ka yeeli laheyd Wariyaashaasi xiran