Waxaa Maanta Magaalada Dhuuso Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud gaaray Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida Qaranka iyo Sirdoonka Soomaaliya Janaraal C/raxmaan Tuur yare, iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Soomaaliya.
Taliyaha Nabad Sugida Qaranka iyo saraakiisha kale ee lasocotay ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuuso Mareeb, waxa uuna taliyaha booqday Saldhigyo ciidan oo kuyaala Magaaladaasi.
Janaraal C/raxmaan Tuur yare, ayaa kormeerku tagay Saldhiga Ciidamada Nabad Sugida Qaranka ku leeyihiin Magaalada Dhuuso Mareeb, waxa uu sidoo kale uu kormeer ku tagay saldhig iyana lagu tababaray ciidamo katirsan Nabad Sugida.
Taliyaha Nabad Sugida iyo Saraakiisha kale ee lasocotay ayaa hor u dhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo la filayo in ay gaaraan Magaalada Dhuuso Mareeb