RW hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa fariin culus soo diray isaga oo ka hadlay xaaladda hadda uu dalka marayo.
Waxa uu sheegay in dalka dad gaar ah uu gacanta u galay, islamarkaana loo baahan yahay in laga fikiro danaha umadda Soomaliyeed.
“Shacabka Soomaaliyeed waxay u hamuun qabaan dowladnimo buuxdo in ay helaan, ma ahan is qabqasi ama wax la mid ah waxay u baahanyihiin, laakiinse nabadda ayaa anfacda shacabka” ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu sheegay in looga baahan yahay in waqtiga haray uu dhexda u guntado sidii shacabka Soomaaliyeed loo samata bixin lahaa, waxaana uu tilmaamay in sanadihii lasoo dhaafay ay qasaareen.
“Sanado kale oo qasaara shacabka uma dulqaadan doonaan, madaxweynaha waa in wax badan uu ka bedalaa sida hadda uu wax u wado, dowladda waqti ayeey soo lumisay, is qab qabsi ayaa laga bixi waayay, waa Ra’iisul wasaarihii Seddexaad, waa in is bedal uu la yimaadaa madaxweynaha”
Dhinaca kale Farmaajo ayaa la hadlay xildhibaanada baarlamaanka oo maalmahaan dambe caadeystay khilaafka dhexdooda ah, waxaana uu sheegay in shacabka ay ogaadeen kaalinta hadda baarlamaanka uu dalka ka ciyaarayo.
“Baarlamaanka inuu shaqadii gabay waa loo jeedaa, waa in isna uu isdaba qabtaa, shaqada meeshii looga baahnaa kan rid mooshin keen ayuu ka bixi la yahay, xildhibaano sidaan sharaf idiin ma ahan, mas’uuliyadiina waajibkeeda guta”
Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa ugu dambeyn waa uu rajo xumo ka muujiyay in dalka ay ka dhacdo doorasho xur ah oo qof waliba codkeeda ku dhiiban jarto





