Kulankaani Oo Ay U Dhamaayeen Dhamaan Xisbiyada Siyaasada Dalka Iyo Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Ayaa Si Isku Wada Mid Ah Looga Soo Horjeestay Laguna Cambaareeyey Xaraga Lagula Kacay Gudoomiyaha Xisbiga Nabadda Iyo Dimuqraadiyada C/laahi Sheekh Xasan Iyadoona Ay Kulanka Ka Soo Qeyb Galeen Siyaasiyiin MAdax Banaan,Oday Dhaqameedyo Iyo Qeybaha Ururada Bulshada Rayidka Waxayna Dhamaan Tood Codsadeen In Xuraydiisa Dib Loogu Soo Celiyo Siyaasiga.
C/llaahi Sheekh Xasan Ma Ahan Nin Hubeysan Ama Hogaamiyo Kooxeed Duulaan Ku Ah Xasiloonida Dalka Ee Waa Nin Hadla Oo Ra;ygiisa Ku cabirada Sida Wanaaga Ah Sidaasi Waxaa Yirri Mid Ka Mid Ah Masuuliyiinta Ka Soo Qeyb Gashay Kaasi Oo Lagu Magacaabo Cali Max’ed Nuux Timajilic.
Sidoo Kale Masuuliyiintii Goobta Ka HAdashay Waxaa Ka Mid Ahaa C/laahi Sheekh Daahir,Max’uud Daahir Faarax Qooley,Max’uud Wehliye Waqaa,Nuur Bocor Jeelle,Yalaxow Iyo Kuwa Kale Iyadoona Sidoo Kale Ay Goobta Ka HAdleen Xildhibaan C/wali Max’ed Qanyare,Daahir Amiin Jeesow,Xildhibaan Cumar Finish Iyo Kuwa Kale Waxayna Masuuliyiintaani Ay Dhamaantood Si Wada Jir Ah U SHaaciyey Xaraga C/laahi Sh,Xasan In Uu Yahay Xarag SHarci Daro Ah Iyagoona Codsaday In Si Deg Deg Ah Xurayadiisa Loo Siiyo.
Ma Ahan Markii Ugu HOreesay Oo Sidaan Oo Kale Loo Xero Qaar Ka mid Ah Masuuliyiinta Xisbiyada Aan Hubeysneyn Ee Ka Jira Dalka Soomaaliya Waxayna U Muuqataa In DOwlada Federaalka Soomaaliya Ay Dhinac KA Leedahay Sanada 2016 Waxaa Dhacaya Doorashooyin Xur Ah Dhinacna Ay Ka Xer Xereyso Siyaasiyiinta Iyo Dadka Cabira Ra’yigooda Taasoo Ah Mid Aan Is Qaban Karin.




