
Ciidamada Booliska ah ee dalka Kenya ayaa weli wada howlgallo ay ku baacsanayaan dadka sharci darrada ku jooga dalka Kenya gaar ahaan xaafadaha ay Soomaalidu ku badantahay ee Islii, iyadoo maanta Mas’uulyiinta Safaarada Soomaaliya ee Dalka Kenya oo uu hogaaminayey Danjire Maxamed Cali Ameeriko ay booqdeen Soomaalida ku xiran garoonka diyaaraha ah ee Jomo Kenyatta.
Safiirka ayaa gudaha u galay xabsiga si uu ula hadlo dadkaasi kaddib markii ay ka soomeen cuntada muddo dhowr maalmood ah, waxaana uu war galiyey in todobaadkan gudihiisa dib lagu celin doono magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo ka warbixiyey waxaa ay kala kulmeen gudaha xabsiga ayaa sheegay in dadka gudaha garoonka ku xir xiran dalkooda Hooyo dib loogu soo celin doono, isagoo ugu baaqay Soomaalida ku sugan Kenya in ay sharciyada dalka qaataa
“Dowlada Kenya waxaanu ka codsanay in dadka Soomaaliyeed ee sida sharcida ah ku joogay oo ku xiran xabsiyada laga dhaafo ganaaxa iyo xariga dowlada Soomaaliya lagu soo wareejiyo si dalka dib loogu celiyo, sidaad ogtihiin hada ka hor 3 jeer ayaan u dhoofinay boqolaal dad ah oo ku xirnaa xabsiyada Insha Allah kuwan waxaanu dhoofineynaa beri ama beri danbe ugu dambeyn” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Kenya.
Safiirka ayaa hadalkiisa ku daray “Dabcan xabsi meel fiican ma’ahan meesha ay ku jiraan waa qolal aad u yar dadka ku xirana aad ayey u dhibanyihiin waana ku dadaaleynaa sida ugu dhaqsiyaha badan in aanu ka dhoofino halkaan oo aan dib ugu celino dalkeenii Hooyo”
Howlgaladan oo ay wadaan ciidanka dalka Kenya ayaa saameyn weyn ku yeelatay Soomaalida ku dhaqan dalkaas, iyadoo laga dayrinayo xaalada beni’aadinimo ee ay ku suganyihiin dadka ku xiran xabsiyada kala duwan ee Kenya.JKIA-DEPORTEES6 JKIA-DEPORTEES5 JKIA-DEPORTEES4 JKIA-DEPORTEES1




