BANAANBAX CABSHO AH OO KA DHACAY JOWHAR

0
519

Shacabka badan oo isugu baxay Bartamaha magaalada Jowhar Ee Xarunta Gobolka Sh/dhexe ayaa cabasho waxay ka muujinayeen Ceel Biyood la sheegay in Shirkada Biyaha Farjano ay ka qodotay Garoon Kubada Cagta lagu cayaaro oo ku yaalo magaalada Jowhar.

Shacabka isku soo baxay oo u badnaa dhalinta Cayaaraha gobolka ayaa waxay ku qeylinayeen inaysan marnaba ogoleyn in Garoonka gobolka ama halka Kubada Cagta ay ku cayaarayeen laga qodo Ceel Biyood,kaasi oo shaqsiyaad u bareereen.

Waxayna dalbadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan arintaasi looga laabto,waxayna socod dheer ku soo mareen iyagoo safan Jidadka waa weyn ee magaalada.

Dhalinta banaanbaxa dhigeysay ayaa in Ceelbiyood laga qodo gudaha Garoonka ku tilmaamay sharcidaro iyo wax aan loo dul qaadan Karin.

Shirkada Farjano ayaa ah shirkad madax banaan oo Biyaha siisa Shacabka ku nool magaalada Jowhar iyo deegaanada ku teedsan.20099