Sida lagu daabacay wakaalada Wararka ee SABA, Dowlada Yaman ayaa sheegtay in Dagaal yahano Sooamali ah ay ku jiraan Maleeshiyaad 37 gaaraya oo lagu dilay Weerar ka dhacay Magaalada Maifaa, Gobalka Shabwa ee Dalka Yaman.
“Dhamaan dagaalyahanada la dilay waxa ay ka soo kala jeadan wadamada Soomaaliya, Sacuudi Arabia, Afghaanistaan, Chechnya” ayaa lagu yiri warka dowlada Yaman ka soo baxay.
Wasiirka Difaaca dalka Yaman Maxamad Nasir Axmad ayaa sheegay in uu ugu hanbalyaynayo ciidamada dowlada Yaman talabadii geesinimada lahayd ee ay ku dileen Dagaalyahanada ka tirsanaa Ururka AL-Qaacida ee ka soo jeeda wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Ciidamada dowlada Yaman ayaa maalmihii aanu soo dhaafnay bilaabay howlgalo xoogan oo ka dhan ah Dagaalyahanada Ururka AQAB ee ka dagaalama dalka Yaman gaar ahaan Koonfurta dalkaasi.
Ururka AQAB ayaa ah urur xiriir la leh AL-Qaaciadad Caalamka , iyadoo horay loo shaaciyay in Ururkan iyo Xarakada Shabaab ee Soomaaliya ay ka dhaxayso cilaaqaad wanaagsan.
Dowlada Maraykanka ayaa Ururka AQAB ee ka dagaalama Yaman ku tilmaantay Ururk ugu qatarsan Ururada xiriirka la leh AL-Qaacida.




