Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda oo Canshuur dhaaf u sameeyay ina Adeerkii.

0
470

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay Musuq Maasuqa la dirireyso islamarkaana ay si’aada ah xil isaga saareyso.

Iyadoo taa jirto ayaa sida ku cad Documents-ka aan Hoos idinkugu soo Bandhigi doonno waxaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda C/llaahi Axmed Nuur uu Canshuur dhaaf u sameeyay Nin ay Ilmo Adeer yihiin oo ka mid Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dekedda Muqdisho wax uga soo dagaan.

Dhinaca kale waxaa arrinta hadal heynta ugu badan dhalisay ay tahay in Tarbitaariyada Gobolka Banaadir ay hareer mareen sida iyana Docoments-ka ku cad shaqadooda.

Torbitaariyada Gobolka Banaadir ayaa xaq u leh in kaliya ay tiriyaan agabka dhammaan saaran Maraakiibta ku soo xirata dekedda laakiin aan ka hadli Karin khasaaro gaaray shirkad.

Canshuur dhaafka Wasiiru dowlaha Ina adeerkiis ayaa loo cuskaday in agabkii uu markabka u soo dagayay wasiiru dowlaha siday jawaanada sokortu ay ku jirtay go’go’een balse jawaanadu ay ki jiraan Konteenaro taasna aanu noqon Karin qiil ee waxa loo sameeyo ceymis ay yihiin agabka biyuhu gaaro ama si waafaqsan sharciga wax loogu dhaafo ay soo buuxiso shirkadda khasaaraha uu soo gaaray.

Waxaa kaloo Xasuusin Mudan iyadoo uu joogo Wasiirkii Maaliyadda islamarkaana aanu jirin shaqo arrintaas la xiriirta oo Wasiiru dowluhu uu u soo igmaday Ra’iisul Wasaaraha uusan qaadi Karin tallaabo heerkaas gaarsiisan ee Cashuur dhaaf uu ku sameeyo.

Ganacsadaha Uu Wasiiru dowluhu u sameeyay Canshuur dhaafka ayaa lagu Magacaabaa Axmed Cali Gacameey.

Dekedda-150x150