Wararka aynu ka heleyno Deegaanka Tisxiile ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in dagaallo iyo duqeymo halkaasi ay ka dhaceen.
Dad deegaanka ayaa Shabelle u xaqiijiyay in Duqeymo Madaafiic xoogan ah lagu garaacay deegaanka Tisxiile kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Duqeymaha ayaa ka dambeeyay kadib xiisado shaqaaqo ah oo halkaas ka dhacay kuwaas oo u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Maalmihii dambe ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka jiray xiisado dagaal kuwaas oo yimid kadib markii ay Gobolkaasi ka bilowdeen Howl gallo lagula dagaalamayo Isbaarooyinka.




