Diyaaradan oo aheyd kuwa wax basaasa oo aan duuliyaha laheyn ayaa la sheegey in ay kusoo dhacdey meel u dhaw balcad,lamana sheegin khasaare ay geysatey.
Gudoomiyaha degmada balcad Cismaan Xaadoole oo la hadlayey qaar warbaahinta kamid ah ayaa sheegey in ay ciidamo u direen halka ay diyaaradu kusoo dhacdey oo aad ugu dhaw balcad,si buu yiri loo soo hubiyo waxa ay tahey diyaaradan iyo meesha laga leeyaheyba.
Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan drawns ayaa inta badan waxa ay ka hawlgalaan meelaha ay maamulaan dagaalyahanada alshabaab,si ay ula dagaalamaan,hase yeeshee cidina ma sheegan lahaanshaha diyaaradan iyo soo ridideedaba.
Waa markii ugu horeysey ee diyaarad kuwa wax basaasa ah ay kusoo dhacdo meel kamid ah gobolka sh/dhexe,waxeyna tani imaneysaa iyadoo dawlada federalku dhawaan ku dhawaaqdey in ay dagaalyahanada alshabaab ka xoreyneyso dhamaan dalka gudihiisa.




