Khilaafki u dhaxeeyey m/weyne Xasan sheekh iyo R/wasare Shirdoon oo la xaliyey.

0
489

Khilaaf iyo isfahamwaa u dhaxeeyey m/weyne Xasan sh Maxamu’d iyo R/wazaare Shirdoon ayaa xal laga gaarey,waxaana ay hada isla ogolaadeed in r/wasaare shirdoon uu sii shaqeeyo isla markaana uu wasiirada badiyo tiradooda.

Waxaa dhanka kale la sheegayaa in xukuumada soo socota ay noqoneyso in ka badan 20 wasiir kuxigeeno iyo wasiro dawlayaal,waxaana la sheegayaa in ay soo noqonayaan wasirada kala ah wasirka arimaha debeda fawsiya yusuf,wasirka arimaha gudaha c/karim xusen guuleed,wasirka maaliyada,iyo wasirka adeega bulshada.

Waa markii ugu horeysey ee la bedelo ama isku shaandheyn lagu sameeyo wasiiradii la magacaabey mudo hal sano ah ka hor,waxeyna tani imaneysaa iyadoo la sheegayo in barlamaanku ay r/wasaaraha taageersanyihiin,sidaasna uu m/weynuhu u ogolaadey in wasirka koowaad sii wado shaqada.