Dawlada federalka iyo maamulka kmg ayaa heshiis ka gaarey ciidamadii iyo maleyshiyaadki laga ceyriyey kismaayo,iyadoo lagu heshiiyey in magaalada lagu soo celiyo dhamaan ciidamada colaada uga maqan kismaayo.
Korneyl Barre hiiraale ciidamadiisa ayaa u badan askarta magaalada colaada uga baxey,waxeyna tani soo gabangabeyneysaa dagaal iyo muran xaga awooda ah oo ka jirey maamulka juba.
Sidoo kale ayaa waxaa leysku afgartey in shir dib u heshiin ah la qabto isla markaasna uu shekh Axmed madoobe ka qeybgalo,iyadoo wali uu jiro khilaaf u dhaxeeya Axmed madoobe iyo macalim ibraahin maxamed oo saaxib dhaw hore u ahaa balse hada lamoodo in ay ku kala aragti duwanyihiin heshiiskan ugu danbeeyey ee lala galey dawlada federalka ah ee soomaaliya.




