Agaasimaha radio sky Maxamuud Maxamed Daahir carab oo hambalyo u direy hawlwadeenada iyo dhegeystayaasha SKY Radio.

0
488

Agaasimaha guud ee radio sky Maxamuud Maxamed Daahir carab ayaa hambalyo iyo bogaadin ku aadan sanadgurada koowaad ee radio sky u direy dhamaan hawlwadeenada iyo dhageystayaasha idaacadda.

Agaasimaha ayaa waxa uu balanqaadey in ay mar kasta ku shaqeyn doonaan rabitaanka dadweynaha wixii aan shuruucda dalka ka hor imaneyn,isla markaana ay ku faraxsanyihiin sida dhageystayaashu u garabtaaganyihiin,isagoo u rajeeyey in ay sanadkan sanadkiisa ku gaaraan caafimaad qab iyo cibaado suuban insha allaah.

Waa sanadguuradii ugu horeysey tan iyo markii la aas aasey hawadana la geshey,waxeyna ku soo beegmeysaa iyadoo agaasimaha idaacadda xilligan Maxamu’d carab iyo agaasimihii ka horeeyey Abukar Sky ay kasbadeen dhageystayaal aad u farabadan,taas oo meesha ka saartey idaacado in badan hawada ku jirey oo toban sano shaqeynayey,kuwaasoo si iskood ah dhegaha dadka uga baxey.