Wasirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo waliba wasir ku xigenka gaashaan dhiga ayaa caawa ku hoyanaya kismaayo iyagoo ay u kala duwantahey booqashada ay madaxdaasi kismaayo ku joogaan iyo booqashadi hada ka hor ay kismaayo ku tageen.
Madaxda kismaayo joogta ayaa u gogol xaareysa safar la filayo in madaxweyne xasan sheekh uu ku tagi doono kismaayo,iyadoo dhawaan uu muqdisho yimid hugaamiyaha maamulka kmg ee juba Axmed Maxamed Islaam(axmed madoobe).
Waa markii labaad ee madax heerkan oo kale ah ay booqasho ku tagaan magaalada kismaayo,xarungoboleedka j/hoose,waxaaney kusoo beegmeysaa iyadoo ay ishayaan labada hugaamiye ee ugu sareeya juba land iyo jahadda raskambooni Axmed madobe iyo macalim maxamed oo ku kala aragti duwan sida loola heshiinayo dawlada federalka ah,waxaana la sheegayaa in wufuuda kismaayo hada ku sugan ay dhexdhexaadin ka wadaan labada hugaamiye.




