Isbaarooyin hor leh ayaa lasoo dhigtey gobolka sh/hoose iyadoo maamulka gobolkaasi ay ku eedeeyeen wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka in aysan wada shaqeyn la laheyn maamulka gobolka sh/hose.
C/fitaax clle oo kamid ah maamulka gobolka sh/hose ayaa ku eedeeyey rag la yaqaan oo ay wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranku ay ogtahey,isagoo aan carabka ku dhufan ayuu hadana waxa uu sheegey in isbaarooyinka ay u yaaliin rag uu sheegey in guutada lixaad ee ciidanka xoga laga bedeley,rag maamulka gobolka banaadir madax kasoo noqdey iyo kuwo kale.
Maahan markii ugu horeysey ee maamulka gobolka sh/hoose ay ka qeyliyaan isbaarooyin la soo dhigto,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo m/weyne xasan sheekh maxamud uu dhawaan ka hadley in aan isbaaro loo baahneyn cidii dhigataana ay amniga khatar ku tahey,lana ogolaandoonin.




