Wafdigii uu hugaaminayey r/wasaare saacid oo muqdisho kusoo laabtey maamulna u magacaabey gob. Gedo.

0
486

Wafdigii uu hugaaminayey r/wasaare saacid ayaa muqdisho kusoo laabtey kadib markii ay xaley ku hoydeen magaalada garbahaarey ee xarunta gobolka gedo.

Wafdiga ayaa gobolka usoo magacaabey maamul kmg ah iyadoo gobolka loo magacaabey maxamed cabdi kaliil mudo lix bil ah,taas oo dhabarjab ku ah kuwa shirku uga socdo kismaayo ee iyaguna sheegaya in ay maamul jubaland la yiraa ku dhawaaqayaan,waxaana kala qeybsanaan ku imaneysaa beesha sade oo qaarna kismaayo shirka joogaan halka kuwa kalena ay hanteen magacaabis maamul gobolka gedo iyo kan degmada garbahaarey iyadoo degmooyinka kalena dib lagu soo magacaabi doono insha allaah.

Waa markii ugu horeysey ee qaar kamid ah gobolada jubooyinka maamul loo magacaabo,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo maamulka raskamboodi iyo dawlada federalku isku fahmi waayeen maamul kmg ah oo loo magacaabo 3da gobol ee kala ah j/hoose,j/dhexe iyo gedo,iyadoo gobolka j/dhexe aanu gacanta dawlada ugu jirin ee ay xarakada alshabaab heystaan.