Luul cali cismaan oo magdhaw ka dalbatey dawlada soomaaliya halka beesha caalamka iyo hey’adaha xuququl insaankana ka codsatey in ay ceymiyaan sharafteeda.

0
500

Luul cali cismaan oo ah gabar sheegtey dhib soo gaarey,markii ay sheegtey dhibka gaareyna la kulantey dhib kale,waxeyna iyadoo ilmeyneysa ka codsatey dawlada federalka ah magdhaw halka ay tiri beesha caalamka iyo hey’adaha xuquuqul insaankana ka codsatey in la ceymiyo sharafteeda maadaama aysan ku noolaan karin meeshi dhibku ku gaarey.

Waxay tiri waxaan la hadlayaa haweenka adduunka gaar ahaan kuwa soomaaliyeed,waa in aad i garab istaagtaan dhamaantiin waayo waxaan ahey walaashin dhib loo geystey isla markaana lagu abaal mariyey dhib kale waxaan doonayaa kana doonayaa dawlada magdhaw,halka beesha caalamka iyo hey’addaha xuquuqul insaankana ay ka codsatey in la ceymiyo nolosheeda maadaama aysan ku noolaan karin meeshi dhibaatada loogu geystey,iyadoo ula jeeda in la geeyo meel ka baxsan gudaha dalka soomaaliya si ay uga badbaado fadeexadda la saarey.

Waxaa markii igu horeysey ee loo bareero in garsoorka soomaaliya oo kaashanaya booliska iyo xeerilaalinta ay dhulka ku jiidaan muwaadiniin soomaaliyeed oo aan waxba galabsan,waana la arki doonaa sida dawlada beesha caalamka iyo hey’adaha xuquuqul insaankuba uga jawaabaan codsiga luul cali cismaan.