Waxaa caawa fiidki lagu weerarey bambaanooyin aan tiradooda la xaqiijin xarunta nabadsugidu ay ku leedahey degmada x/jajab ee gobolka banaadir.
Markii qaraxyadu dhaceen ayaa ciidamada nabadsugida xaruntaas ku sugnaa ay rasaas fureen iyadoon ilaa hada la heyn qasaaraha meesha ka dhacey,waxaase la xaqiijiyey in labo ruux oo dhaawac ah ay qaadeen ambalaasyo gobta soo gaarey.
Waa qaraxyo qorsheysan oo ay ka danbeeyaan xarakada alshabaab oo dagaal kula jirta dawlada federalka ah,nooma suuragelin in aan telfon ku helno gudoomiyaha degmada maxamed yare wallaw aan isku deyney,waxeyna qaraxyadani kusoo beegmayaan iyadoo maanta xukuumada dr saacid ay soo bandhigtey wax qabadkeeda boqolka maalmood ee jiritaankeeda.




